Ereyga Maanta: 6.12. 2019
  munbeer (-ka)
  Agab ka samaysan xadhko leh midabbo, lagu gurto birqalaxda sida mindiyaha, gudmaha iwm.
  Tusaale:
  Mukhturka munbeerka ku rid!
   
   
  
  
  
 
  Ereyga Maanta: 5.12. 2019
  gudinquraar (-ta)
  Gudin yar oo wax lagu qoro sida "haamaha,  kooraha, iwm".
  Tusaale
  faagto waa gudinquraar jubbina waa la mid.
  
 
  Ereyga Maanta: 4.12. 2019
  quraar (-ta)
  Sanco ama farsamo agab geed lagaga qoro, agabka kiisa wax lagu qoro iyo kiisa la qoro sida weelasha iwm.
   Tusaale
  Sancada quraarta yari buu ku bilaabay.
 
‹
›